
Asalaamu calaykum dhammaan walaalaha DrechtSom.
Berri oo Axad ah, 6-da Sebtembar, waxaa jira xaflad lagu qabanayo Weizigtpark, beerta ku taalla gadaasha saldhigga Dordrecht. Halkaas waxaan ku soo bandhigi doonnaa hidaha iyo dhaqankeena Soomaaliyeed, waxaana jiri doona cunto Soomaaliyeed sida bariis iyo sambuus.
Waxay bilaabanaysaa 13:00 uur ilaa 18:00 uur, Insha Allah. Naga soo qaybgal wacan. Mahadsanidiin!
